28279335_2493394034219568_7324136328417440694_n

Heshiiska u dhexeeya Somaliland Port Authority,DP World iyo Dawladda Ethiopia oo Lagu saxeexay Dubai

Maareeyaha Guud Ee Hay’adda Dekedaha Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa qalinka ku duuggay laba heshiis oo kala ah :-

  1. Heshiiska Somaliland Port Authority, DP World iyo Dawladda Ethiopia, heshiiskaas oo faa’ido badan u leh Qaranka JSL , Heshiisku wuxu dhiggayaa in lagu balaadhiyo, Casriyeeyo, Horumariyo Dekedda Caalamiga ah Ee Berbera.
  2. Heshiiska Goobaha Cashuuraha ka caagan( Free Zone) , oo ah mid laba geesood ah(DP World & Somaliland), Heshiiskaasi wuxu surta-gelin doona in Shirkaddo Waa wayni Maalgshi balaadhan ku sameeyaan Magaalada Berbera.

 

Comments for this post are closed.