said

Kormeerka Madaxwayne Xigeenka JSL Ee Dekedda Berbera

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi ,Wuxu warbixin ka siiyay Madaxwayne xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil( Saylici),habsami u socodka shaqo Ee Dekedda Berbera iyo isbedalka togan Ee ku yimi Dekedda.
Wuxu sido kale uga warbixiyay qalab casri ah oo fududayn doona Dejinta iyo rarida Koontiinarada oo dhawaan soo gaadhay Dekedda.


Sido kale Maareeyuhu wuxu ku wehelinayay waftiga Madaxwayne Xigeenka JSL, Kormeerka biyo balaadhinta Degmada Berbera oo ay maal-gelinayso Shirkadda DP World.

Comments for this post are closed.